Wadaad caan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Kismaayo

Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geeridda marxuum Sheekh C/naasir Xaaji Axmed.

KISMAAYO, Jubaland - Qarax ayaa maanta wuxuu ka dhacay Isgoys lagu magacaabo Somali Star, oo katirsan Xaafadda Calanleey ee magaaladda Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Weerarkan ayaa dhacay xili Kismaayo saakay ka socotay doorashadda qaar kamid ah Kuraasta Gollaha Shacabka, iyadoo amniga aad loo adkeeyay, oo Ciidan wadooyinka la dhigay.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed, oo kamid ahaa Culimada Soomaaliyed, islamarkaana kasoo jeeda Laascaanood ayaa lagu dilay qarax Gaarigiisa loogu xiray, oo Maanta duhurkii ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland.

Lama oga cida ka dambeysay weerarka lagu dilay Sheekha, oo magaaladda sida la sheegay u joogey arrimo Dacwo [Safar diimeed]. Maamulka iyo hay'adaha amniga Jubaland wali kama hadlin qaraxa.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdibdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray.

"Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada".

"Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM