Wadaad caan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Kismaayo

Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geeridda marxuum Sheekh C/naasir Xaaji Axmed.

KISMAAYO, Jubaland - Qarax ayaa maanta wuxuu ka dhacay Isgoys lagu magacaabo Somali Star, oo katirsan Xaafadda Calanleey ee magaaladda Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Weerarkan ayaa dhacay xili Kismaayo saakay ka socotay doorashadda qaar kamid ah Kuraasta Gollaha Shacabka, iyadoo amniga aad loo adkeeyay, oo Ciidan wadooyinka la dhigay.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed, oo kamid ahaa Culimada Soomaaliyed, islamarkaana kasoo jeeda Laascaanood ayaa lagu dilay qarax Gaarigiisa loogu xiray, oo Maanta duhurkii ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland.

Lama oga cida ka dambeysay weerarka lagu dilay Sheekha, oo magaaladda sida la sheegay u joogey arrimo Dacwo [Safar diimeed]. Maamulka iyo hay'adaha amniga Jubaland wali kama hadlin qaraxa.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdibdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray.

"Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada".

"Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM