Wadaado lagu dilay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Farqalaal oo ka tirsan degmada Buloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka waabarigii la dilay khadiibkii masaajid ku yaalla deegaankaasi.

Lama yaqaan cida dilka ka dambaysay, waxaana la sheegay falka inuu dhacay xilli uu Shiikh Faarax Maxamed Cali u sii socday masaajidka isagoo ka soo baxay gurigiisa.

Ilaa hadda lama cadayn sababta rasmiga ah ee Shiikha loo dilay, waana markii ugu  horaysay oo fal caynkaasi ah ka dhaco deegaanka.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in la imaam masaajid lagu magacaabo Imaamu Shaafici.

Dad aan haybtooda la aqoon ayaa falkaasi gaystay, waxaana cambaareeyay wadaada iyo waxgarad ku sugan degmadaasi.

Asbuucan dhexdiisa ayay ahayd markii degmada Caabudwaaq lagu dilay mu'addin masaajidka Jaamaca ee degmadaasi.

Dilalkan oo kale ayaa inta badan lagu tiriyaa inay gaystaan ururka Al-Shabaab, waloow uusan dhankooda ka soo bixin war la xiriira falalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM