Wadahadalada madaxda DF iyo Somaliland oo ka bilowday Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI CITY, Jabuuti - Wadahadaladda madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa Axada maanta ah si rasmi ah uga furmay Jabuuti, sidda uu shaaciyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

"Dib u bilaabashada wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo muujinaya sii wadida go'aanada hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal," ayuu yiri.

Wada-xaajoodyadda ayaa ka dhacaya qayb kamid ah qasriga Madaxtooyadda Jabuuti, iyaddoo ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana agagaarka Madaxtooyadda ay gaaf-wareegayaan ciidamo sugaya amniga.

Xilli shir gudoonka uu yahay Geelle oo martigelinaya wada-xaajoodka taariikhdiga ah, madaxda ayaa furitaanka kulanka kadib jeediyey khudbado uu mid walba kusoo bandhigayo aragtiisa gaarka ah ee wadahadalka.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday 2011-kii. Madaxweynihii dowladdii ku meelgaarka, Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyihii xiligaas ee Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa kulmay.

Kadib waxaa mar kale shiray madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Siilaanyo oo waqtigaas isagana ahaa madaxweynaha Somaliland. Kulamadaas kama soo bixin natiijo wax-ku-ool-ah.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku dhaliilay madaxda xukuumadda Muqdisho in ay dib-u-bilaabaan wada-xaajoodyada dhamaadka muddo xileedkooda "waana mid kamid ah caqabadaha hortaagan in la helo max-suul wanaagsan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM