Wadahadalada madaxda DF iyo Somaliland oo ka bilowday Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI CITY, Jabuuti - Wadahadaladda madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa Axada maanta ah si rasmi ah uga furmay Jabuuti, sidda uu shaaciyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

"Dib u bilaabashada wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo muujinaya sii wadida go'aanada hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal," ayuu yiri.

Wada-xaajoodyadda ayaa ka dhacaya qayb kamid ah qasriga Madaxtooyadda Jabuuti, iyaddoo ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana agagaarka Madaxtooyadda ay gaaf-wareegayaan ciidamo sugaya amniga.

Xilli shir gudoonka uu yahay Geelle oo martigelinaya wada-xaajoodka taariikhdiga ah, madaxda ayaa furitaanka kulanka kadib jeediyey khudbado uu mid walba kusoo bandhigayo aragtiisa gaarka ah ee wadahadalka.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday 2011-kii. Madaxweynihii dowladdii ku meelgaarka, Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyihii xiligaas ee Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa kulmay.

Kadib waxaa mar kale shiray madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Siilaanyo oo waqtigaas isagana ahaa madaxweynaha Somaliland. Kulamadaas kama soo bixin natiijo wax-ku-ool-ah.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku dhaliilay madaxda xukuumadda Muqdisho in ay dib-u-bilaabaan wada-xaajoodyada dhamaadka muddo xileedkooda "waana mid kamid ah caqabadaha hortaagan in la helo max-suul wanaagsan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM