Wadahadalo u bilowday DF Soomaaliya iyo musharaxiinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ayaa markii ugu horeysay Khamiista maanta ah ay yeesheen wadahadalo fool-ka-fool ah xilli khilaafka doorashooyinka uu xoogeystay.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa metelaya dhanka dowladda federaalka oo wajaheysa eedeymo ku aadan in aysan ogoleyn in dalka ka dhacdo doorashooyin xalaal ah.

Musharaxiinta shirka kasoo muuqdey ayaa waxay kala yihiin; Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Cabdiqaadir Cosoble.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ahna musharax madaxwayne uu sababo aan la shaacin uga baaqsaday ka qeybgalka shirka Decale Hotel.

Madaxwayneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] iyo dhigiisa HirShabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa sidoo kale waxay kasoo muuqdaan shirkan.

Maamuladan ayaa taabacsan siyaasadda maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey isla markaana musharaxiinta ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharciyad haysta.

Wadahadalkan ayaa kusoo hagaagaya maalin kahor goorta ay musharaxiinta u muddeeyeen banaanbaxa ka dhan ah dowladda ayna ku dalbanayaan in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan qaab daahfurnaan leh.

Qodobadda lagu jeex-jeexayo shirka dowladda iyo musharaxiinta waxaa kamid ah in banaanbaxa uu si nabdoon ku qabsoomo, in ay kaalin ku yeeshaan wadahadaladda qabsoomaya iyo raaligelin laga bixiyo dhacdooyinkii 19-kii bishan Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM