Wadahadalo u bilowday DF Soomaaliya iyo musharaxiinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ayaa markii ugu horeysay Khamiista maanta ah ay yeesheen wadahadalo fool-ka-fool ah xilli khilaafka doorashooyinka uu xoogeystay.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa metelaya dhanka dowladda federaalka oo wajaheysa eedeymo ku aadan in aysan ogoleyn in dalka ka dhacdo doorashooyin xalaal ah.

Musharaxiinta shirka kasoo muuqdey ayaa waxay kala yihiin; Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Cabdiqaadir Cosoble.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ahna musharax madaxwayne uu sababo aan la shaacin uga baaqsaday ka qeybgalka shirka Decale Hotel.

Madaxwayneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] iyo dhigiisa HirShabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa sidoo kale waxay kasoo muuqdaan shirkan.

Maamuladan ayaa taabacsan siyaasadda maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey isla markaana musharaxiinta ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharciyad haysta.

Wadahadalkan ayaa kusoo hagaagaya maalin kahor goorta ay musharaxiinta u muddeeyeen banaanbaxa ka dhan ah dowladda ayna ku dalbanayaan in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan qaab daahfurnaan leh.

Qodobadda lagu jeex-jeexayo shirka dowladda iyo musharaxiinta waxaa kamid ah in banaanbaxa uu si nabdoon ku qabsoomo, in ay kaalin ku yeeshaan wadahadaladda qabsoomaya iyo raaligelin laga bixiyo dhacdooyinkii 19-kii bishan Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM