Wadamada Carabta oo garab-istaag u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image
Wadamada Carabta ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika

Muqdisho, Soomaaliya - Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Dhanka kale, Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Baarlamaanka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM