Qaramada Midoobey oo ergey cusub u magacowdey Somalia

Image

Nov 24, 2015 (GO)- Warsaxafadeed soo gaarey xafiiska warsidaha Garowe Online ayaa sheegeya in xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey maanta 23 Nov, 2015 ku dhawaaqey magacaabista Michael Keating oo u dhashey wadanka Ingriiska wakiilkiisa gaarka ah ee Somalia islamarkaana madax u ah barnaamijka lagu tageerayo wadanka Somalia (UNSOM).

Ergeygaan gaarka ah Mr.Keating ayaa badali doona Nicholas Kay oo isaguna dhalasho ahaan kasoo jeedey dalka Ingriiska sanadkaan dabayaqadiisa. Xogahayaha QM ayaa aad u bogaadiyey hogaaminta iyo howlkarnimada ergeygiisa hore ee Somalia "Nicholas Key" labadii sano iyo barkii lasoo dhaafey, isaga oo kasoo gudbiyey dalka Somalia xaalad siyasdeed ee adag.

Mr Keating ayaa la sheegey in magacaabista xilkaan ku soo kordhin doono khibradiisa uu u leeyahay arrimaha bini'aadnimada iyo qorshihii dib u soo kabashada wadanka Afghanistan, barriga dhexe iyo Africa isaga oo dhinaca kale kamid ahaa madaxda aqalka cilmibaarista ee "Chatham House" ilaa sanadkii 2012. Ergeyga cusub ayaa waqtigaan ahaa la taliyaha gaarka ah ee wakiilka Qramada Midoobey u qaabislan ee wadanka Syria.

Ergeyga cusub ee Qramada Midoobey arrimaha Somalia ayaa ka haysta MA cilmiga Taariikhda Jamacada Cambridge oo ku taal wadanka Ingriiska.

Waxaa uu dhashey 1959, isaga oo dhaley Afar Caruur ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM