Wadarta dakhliga DF iyo Al-Shabaab kasoo gala Muqdisho oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadarta canshuurta ay dowladda Soomaaliya iyo maleyshiyadda Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada Muqdisho waa hal bilyan oo Doolar, sidda uu sheegay madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare, hogaamiyaha dowlad goboleedkaas, ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabadii daahfurka Shirka Wadatashiga Maamuladda ee Sabtida maanta ah ka furmay Dhuusamareeb.

Waare ayaa erayadaan ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey maqaamka caasimadda oo uu "nasiib darro" ku tilmaamay in mar walba lasoo hadal-qaado dhamaadka muddo xileedka dowladda walba.

"Xamar waa magaalada canshuurta ugu badan laga qaado, dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo Shabaab marka la isku daro waxaa la qiyaasaa magaalada Xamar in laga qaado hal bilyan oo Doolar sanadkii, waxaa u dheer amni darro iyo rafaad kale oo dowladnimada iyo caasimadnimada nafteeda kusoo gaarey," ayuu yiri Waare oo jeediyey mid kamid ah khudbadihii ugu dheer ee kulan madaxeedka diirada lagu saarayo doorashooyinka.

Dakhliga ugu badan ee Al-Shabaab ka hesho caasimadda waa ku yimaada qaab baad ah, waxaana uu kaga soo xaroodaa dekadda iyo ganacsatada.

Maqaamka Muqdisho ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay u baahan tahay wadatashi ay ka yeeshaan daneeyeyaasha si xal waara loogu helo.

Dastuurka oo loo hogaan-samo ayuu ka dhawaajiyey in ay bud-dhig u tahay xasiloonida siyaasadeed iyo tan amni ee waddanka, isagoo ka digay talaabooyinka lagu jibanyo Axdiga heer qaran.

"Doorashadda in ay waqtigeeda ku dhacdo waa muhiim ah, sababtoo ah waa meeshii system-ka laga neefinayey dhamaanna madaxweyneyaasha waa ka hadleen muhiimada ay leedahay in doorashadda waqtigeeda lagu qabto laguna heshiiyo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Guddiga doorashooyinka ayuu carabka ku dhuftay in waajibaadkoodu ku kooban yahay farsamo, balse aysan shaqo ku lahayn nooca doorashadda, habka loo marayo iyo arrimaha ku geedaaman.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa calaamad su'aal, sabab la xiriirta in aan la fulin halbeegyadii lagu aadi lahaa sidda amniga iyo shuruucda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM