Wafdi ka socda UN-ka oo gaarey magaalada Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Dowlada Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale.

Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Dowlada Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Dowlada ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlada Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo uu wehelinayo Wasiirka Caafimaadka Mudane Mursal Khaliif, ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee qaatay talaalka Xanuunka Covid19 ee Oxford/AstraZenec oo qaadashadiisa ay maanta ka bilaabatay Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM