Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Somali oo India tagay

Image
Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Delhi ee dalka India, waxaana ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan waddankaasi iyo safaradda Somalia.

Wafdiga  ayaa ka qeybgalaya shir u dhaxeeya India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay tahay markii saddexaad ee la qabto heerkiisa ayaa waxuu furmi doonaa 29-ka October.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid fursad u ah Somaliada, waxaana looga hadli doonaan sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doona Ra’isulwasaaraha dalka India iyo madaxda wadamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM