Wafuuda Farmaajo iyo Biixi oo lagu soo dhaweeyay caasimadda Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal C/raxmaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyey Caasimadda dalka "aan walaalaha nahay ee  Jabuuti".

Garoonka Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya "wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jabuuti. Ismaaciil Cumar Geelle.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi'da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Siciid Axmed.

Biixi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu waddaa in uu furmo shir-madaxeedka madaxda oo uu gudoomin doono madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaddoo uu goobjoog ka noqon doono ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed isla markaana uu korjoogto ka yahay Mareykanka. Wakiiladda Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa qorshuhu yahay in ay kasoo muuqdaan wadahadaladda oo illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin ajendayaasha culus ee diiradda lagu saarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM