Wajeer: Gabar 17 jir ah oo markii ay diiday Guurka 55 Jir la dilay

Image

WAJEER, Kenya - Dhacdo argagax leh ayaa laga soo wariyay magaaladda Wajeer ee gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya, halkaasoo lagu dilay Gabar Yar oo 17 jir ahayd.

Gaala Aadan Cabdi ayaa laga soo afduubey xerada qaxootiga Dhagaxley, oo Dhadhaab katirsan, waxaana la geeyay meel 150Km u jirta oo Tuulo ah, oo lagu magacaabo Wara Ademasajida si loogu guuriyo Maxamed Qaasim Tifow oo 55 jir ah.

Markii ay aragtay ninkan odeyga ah ayay diiday guurka, waxaana diidmadeeda usoo jiiday jirdil joogto ah mudo 27 maalin, kaasoo markii dambe u dhimatay, sida qoyskeeda ay sheegeen, waxaana kadib la gubey meydkeeda si raadka loo baabi'iyo.

"Habeen walba waa la i garaacaa, 24 saac igama daayaan, kani ahan nin aan u qalmo inaan guursado, waa la igu soo qiyaameeyay guurkiisa," ayay Gaala ku tiri fariintii ugu dambeysay ay cod ahaan ugu dirtay waalidkeeda kahor inta aan la dilin.

Waxay Gaala wicitaankii ugu dambeeyay wacday hooyadeeda iyo adeerkeeda 22-kii bishan, iyadoo u sheegtay inay khatar ku jirto nolosheeda. Saacado kadibna, qof qaraabada ah ayaa qoyska wacay oo u sheegay in Gaala la dilay.

Baaritaanka lagu sameeyay meydkeeda ayaa muujiyay in la dilay Gabadha kahor inta aan lagubin. Booliska ayaa xiray ninka loo guuriyay sida qasabka ah Maxamed Qaasim, oo su'aallo la waydiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM