"Wajiga koowaad" ee howlgalada gobolka Hiiraan oo lasoo afmeeray

Image
Ciidamadda oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa dhaqdhaqaaq ballaaran kawada qaar kamid ah maamulada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in lasoo gabagabeeyay "wajiga koowaad" ee howlgaladda ciidamada iyo dadka degaanka ay ka wadeen gobolka Hiiraan, sidda ay ku warantey warbaahinta qaranka.

Wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA ayaa intaas ku dartey "in la xoreeyay in ka badan 30 degaano, lana dilay 200 maleyshiyo Al-Shabaab lana soo qabtey 300+ maxaabiis ah".

Milatariga Soomaaliya ayaa soo bandhigay xarun ay "ka carareen" maleyshiyaadka Al-Shabaab oo ku taala degaanka Booco ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay la wareegeen shalay.

Ciidamadda oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa dhaqdhaqaaq ballaaran kawada qaar kamid ah maamulada dalka.

Ciidamadda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee ku sugan goobaha "la xoreeyay" ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgalo ay "ku baacsanayaan haraadiga" dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamadda lugta Soomaaliya, Maxamed Tahliil Biixi oo ay soo xigatay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaaladda ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo kamid ah "argagixisada Al-Shabaab".

"Dagaalada ka dhacay Hiiraan waxaa lagu dlay 127 argagixisada Al-Shabaab ah. Gobolada kale waxaan ugu baaqaynaa in aysan aqbalin gumeysiga wiil yaroo qaawan," ayuu tibaaxay.

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu la wareegay hogaanka waddanka wuxuu bilaabay in uu abaabulo beelaha si ay ula diriraan Al-Shabaab. Socdaal uu ku joogo Mareykanka ayuu taageero ugu raadinayaan qidadan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM