Wakhtiga Doorashada Jubbaland oo cabasho laga muujiyey

Image

5 August 2015 (BBC+GO)- Barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu u codeeyey in aanan dib loo dhigi doonin xilliga la qabanayo doorashada madaxweynanimada.

Barlamaanka ayaa waxa uu sido kale ansixiyey guddiga doorashoooyinka, doorashooyinkaas oo uu sheegay in la qaban doono 15-ka bishan Agoosto.

Hasayeeshee qaar ka mid ah musharaxiinta iyo siyaasiyiinta Jubbaland ayaa waxay ay dhaliileen mudada gaaban ee doorashada lagu qabanayo.

Madaxweynaha ayaa Barlamanka ka codsadey in waqtiga la kordhiyo doorashada madaxtinimada dhacey balse cod ay u qaadeen dalablka Mud. Axmad Madoobe xildhibaanada way diideen.

Dhinac kale Barlamanka Jubland ayaa magacaabey maalintii shaley guddiga doorshada madaxtinimada Jubland oo lagu wado iney dhacdo August 15,2015.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul waxa uu ka mid ahaa dadkii tartamay doorashadii la qabtay 2013-kii.

Wareysigaan ka dhageyso BBC laanteeda Af-Somaliga

BBC+GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM