Walaac laga muujiyey dib-u-dhaca jadwalka doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbi siyaasadeedka Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu walaac ka muujiyey dib-u-dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka waddanka ee 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in uu ka walwalsan yahay "in aan wali talaabo loo qaadin" fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen madaxda dowlada iyo maamuladda gaar ahaan jadwalka.

10-ka illaa 20-ka October ayuu jadwalka xeerinayay in lasoo magacaabo Guddiyadda gobolada iyo federaalka ee maamulaya coddeynta.

1-da November ayaa si lamid ah wuxuu qeexayay in ay bilaabato xulista Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Labadan qodob oo muhiim u ahaa jadwalka ayaa waxaa muuqaneysa in waqtigooda laga soo gudbay iyaddoo aanan la dhaqan-gelin.

Illaa haatan, ma jiro mas'uul ka tirsan dowladda iyo maamuladda oo sharaxaad ka bixiyey sababaha keenay dib-u-dhaca ama hadii uu jiro heshiis si hoose u dhexmaray dhinacyadda oo khuseeya jadwalka cod-bixinta.

Dhanka kale, xisbiga Wadajir oo kasoo horjeestay in dowladda federaalka ay door ku yeelato xulista wakiilada Somaliland ayaa taageeray mowqifka afhayeenka Aqalka Sare oo ah in iyaga loo madax-banaaneeyo shaqadaas.

Bayaanka xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM