Waqtiga ciidanka Mareykanka ka baxayaan Soomaaliya oo la muddeeyay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Waaxda Difaaca in ciidamadda Mareykanka sidda ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro Soomaaliya, sidda uu wariyey Wargeyska afka dheer ee The Wall Street Journal.

Hadii ay dhacdo in askarta Ameerika ka hayaamaan Soomaaliya, waxay soo afjareysaa 13 sano oo ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab, xoogaga hubeysan oo gacansaar la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Sidda ku xusan warbixinta Jariiradda oo lagu soo xigtay mas'uuliyiin aan la magacaabin, ciidamada Mareykanka ayaa qorshuhu yahay in ay soo gabagabeeyaan waayahooda Soomaaliya sanadka dambe.

Kadib ka bixitaankooda Soomaaliya, sidda ku cad qormadda, ciidamadda Mareykanka ayaa u wareegi doona saldhigyo ku yaala Kenya iyo Jabuuti, halkaasoo ay kasoo beegsan doonan maleyshiyada Al-Shabaab.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Mareykanka, Chris Miller oo Jimcadda todobaadkii hore yimid Soomaaliya lana kulmay saraakiisha ka joogta Muqdisho, ayaa lagu waramay in uu si buuxda ugu sacabo tumay qorshahan.

Mark Esper, xoghayihii hore ee difaaca Marekanka oo la eryay bishii lasoo dhaafay, ayaa si weyn wuxuu u diidey in uu fuliyo qorshahaas.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 700, waxaana ay fuliyaan howlgalo dhulka iyo cirka ah kana dhan ah jihaad-aloosyaasha Soomaaliya iyo tababar uu siiyo askarta maxaliga ah.

"Dhimista ciidamadda ma saameyn doonto joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya iyo gobolka," ayuu yiri mas'uul sarre una waramay The Wall Street Journal balse gabi ahaanba ka gaabsaday magaciisa.

Donald Trump oo looga adkaaday doorashooyinka Mareykanka ee sanadkan 2020 ayaa horey u aqoonsaday Soomaaliya meel ay colaad ka jirto wuxuuna amray in ciidamada dalkiisa ay duqeymo fuliyaan xilliga ay khatar soo wajahdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM