Waqtiga la filayo in uu dalka soo gaaro sheybaarka lagu ogaado Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dalbatay qalabka lagu ogaado Covid-19 oo saddex xabo ah, sidda ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda federaalka ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa daboolka ka qaadey in ay rajeynayaan in ay dalka kusoo gaaraan muddo laba illaa iyo saddex asbuuca ee nagu soo fool leh.

Wareysi ay siisey VOA-da ayay ku shaacisay in ay dalabka gudbiyeen ka gedaal markii loo tababaray howlwadeenada caafimaad maamuli doonta sheybaarkaas haatan muhiimka ah.

Balse ma aysan kala caddeyn goobta la dhigi doono, maadaama meelaha dalka laga soo galo ay badan yihiin.

Hadalka Fowaziya ayaa kusoo aadaya xili warar soo baxaya ay sheegayaan in dalka Talyaaniga loo diray dhakhaatiir si ay u soo qaataan casharo ku saabsan la tacaalida caabuqaas.

Saddexda kiis ee illaa iyo haatan laga xaqiijiyey Muqdisho ayaa lagu soo baaray sheybaar ay Hay'adda Caafimaadka Aduunka aqoonsan tahay oo yaala waddanka deriska ah ee Kenya.

Kiisaskaas midkood waxaa laga helay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo soo maray wadamo uu xanuunku saameeyay, halka labada ay yihiin muwaadiniin ka yimid China iyo Italy.

Mid kamid ah muwaadiniinta ayaa ah sarkaal ka tirsan ciidamadda milatariga, kaasoo kasoo noqdey Talyaaniga, oo kaalinta koowaad kaga jira dalalka uu dadka ugu badan ku laayey fayruska.

Talyaaniga ayaa horey daaha uga rogay in uu bixinayo aduun lacageed dhan 215 milyan oo Doolar-ka Mareykanka, taasoo uu ku wareejiyay hay'adda WHO si ay Soomaaliya ugu soo iibiso sheybaarkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM