Waqtiga la shaacinayo shirkadaha soo saareya shidaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in horaanta sanadka dambe ee 2021-ka ay shaacineyso shirkadaha ku guuleystay wareega koowaad ee ruqsadaha shidaal soo saaritaanka.

Todoba xirmo oo laga helay degaanada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa laga soo saarayaa kheyraadkaas. Puntland oo qaadacdey hanaankan waxay uga digtay shirkadaha in ay iibsadaan.

Ibraahim Cali Xuseen, maareeyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo wareysigii ugu horeeyay siiyey wakaalada Reuters tan iyo markii la magacaabay asbuucii hore, ayaa xusay in shalay ay bilaabeen xaraashka saliidda.

Xuseen, oo lataliye u ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa tibaaxay in Covid-19 uu hakad geliyey wada-xaajoodyo ay kula jireen shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil kuwaas oo ay dalka u taalo xuquuq ay horey u gateen.

Xuquuqdaas oo ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal kahor inta aysan dhicin dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre ayaa ah shan xirmooyin shidaal oo ah nooca laga helay dhanka badda.

"Hadi uusan jiri lahayn Coronavirus, waxaan isku raaci lahayn habka loo marayo, kadibna waxaan heli lahayn heshiiska dhamaadka sanadkan," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid qiraya in ay qandaraaskaas u xayiran yihiin.

Wasaaradda Batroolka ayaa horey u xaqiijisay in daraasad la sameeyay lagu helay 15 xirmo shidaal, kuwaas oo ay ku jiraan 30 bilyan oo fuusto shidaal ah.

Inkasta oo shirkadda Exxon aysan wali ka jawaabin sheegashadda xukuumadda Muqdisho, afhayeen u hadlay Shell wuxuu tilmaamay in ay wadahadalo u socdaan, isagoo kalsooni ka muujiyey in ay noqdaan kuwa miradhala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM