War-murtiyeed laga soo saarey shirka maamulada ee Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirkii madaxda maamulada Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay wejigiisa koowaad ayaa laga soo saarey war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay hogaamiyeyaasha ku heshiiyeen.

Wasiiradda arrimaha gudaha maamuladda oo uu wehliyo Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xarunt Galmudug ku shaaciyey go'aanada.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya aysan noqon karin isla markaana loo baahan yahay in laga heshiiyo nooca iyo habka loo marayo.

Warka qoraalka ah oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in doorashadda ay waqtigeeda ku dhacdo ayaa ka digay muddo kororsi loo sameeyo hay'addaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ah.

Hogaanka dowlada federaalka iyo madaxweyneyaasha maamulada ayay soo jeediyeen in ay shir wadatashi isugu yimaadaan Dhuusamareeb "si ay uga arrin-sadaan tubta farsamo qabsoomida doorashada 2020-21".

Balse, lama soo bandhigin waqtiga uu dhici doono shirkaas, taas oo la macno ah in ay tahay arrin ay kawada heshiin doonan dhamaan dhinacyadda ay khuseyso, waase hadii dhanka dowladda dhexe kasoo jawaabto.

Ugu dambeyntii, shirka ayaa uga mahadceliyey Beesha Caalamka kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya oo heerar kala duwan soo martay, haddana mar-xalad adag wajaheysa.

Shirka jaraa'id ee shaacinta war-murtiyeedka

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM