War-murtiyeed laga soo saarey shirkii murashaxiinta ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed ka kooban 27 qodob ayaa laga soo saarey shirkii murashaxiinta shantii maalmood uga socday Hotel Jazeera ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Murashaxiinta oo isugu jira madaxweyneyaal, ra'iisul wasaare iyo xubno kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa codsaday in la kala diro guddiyadda doorashooyinka ee magacaaban.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayay codsadeen in uu soo magacaabo guddiyada maamulaya doorashadda wakiiladda maamulka Somaliland.

Guddiyadda maamulaya doorashadda ayay cod dheer kusoo jeediyeen in lagu soo magacaabo wada ogol iyo wadatashi lala yeesho "dhamaan dhinacyadda ay khuseyso".

Doorashooyinka Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland iyo gobolka Banaadir ayay cod dheer kusoo jeediyeen in ay ka dhacdo Xarunta Afasiyooni ee saldhiga u ah ciidamadda cirka Soomaaliya.

Agaasimaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir, ayay codsadeen in uu xilka baneeyo "si loo xaqiijiyo madax-banaanida" hay'adda mukhaabaraadka.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku waaniyeen in uu joojiyo ku tagril-falka awoodeed iyo in uu dhaqaalaha dowladda u adeegsado ololihiisa doorashadda uu ku doonayo in uu kusoo laabto.

"Hadii dowladda federaalka ay qaado talaabo lagu dhaqan-gelinayo doorasho aan heshiis lagu hayn, wuxuu golaha [murashaxiinta] caddeynayaan in isaga oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo dowlad goboleedyadda uu ka shaqeyn doono hanaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan ugu dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah," ayaa lagu soo xiray.

Hanjabaadda murashaxiinta ayaa sarre-u-qadey cabsida laga qabo in dalka uu u dareero laba doorasho oo iska soo horjeeda maadaama Villa Soomaaliya ku fara-adeegeyso qorshaha u degan.

Hoos ka akhriso bayaanka

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM