Warar kala duwan oo kasoo baxaya ceyrinta Wasiirka Batroolka Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta sameeyay isku-shaandheyn galaafatay Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta sameeyay isku-shaandheyn galaafatay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadk Dabiiciga ah Cabdirisaaq Cumar isaga oo lagu badalay Daahir Shire Maxamed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta xilka looga qaadey Cabdirisaaq. Qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu xilkiisaku waayay “tabashadda iyo is-maan-dhaafka reer Hiiraan”.

“Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda,” ayuu shaaca ka qaadey.

Balse, macluumaad kale oo uusan si madax-banaan u xaqiijin karin warsidaha Garowe Online waxay tilmaamayaan in Cabdirisaaq iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku qabteen lacag.

Sidda ay wararkan sheegayaan, lacagtan ayaa kasoo xarootay saxiixa heshiiska shidaalka Turkiga. Balse illaa haatan si dhab ah looma caddeyn karo cadadka saxda ah wallow warar ay gaarsiinayan inta u dhaxeysa $9 milyan illaa $10 milyan.

“Dhamaan isku-dayadii la doonayay in lagu xaliyo is-maan-dhaafka ayaa kusoo dhamaadey in xilka laga qaado wasiirka, waana go’aan ka yimid madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayay sheegeen xubnaha laga soo xigtay xogtan.

Dhanka kale, warar kale ayaa soo jeedinaya in Wasiirka iyo Madaxwayne Xasan Sheekh ay isku-khilaafeen cidda hogaamineyda Hay’adda Batroolka Soomaaliya kaasoo Villa Soomaaliya u rabtey shaqsi ka awood badan Wasaarada Batroolka.

Sikastaba, is-maan-dhaafka durba kasoo dhex-muuqdey galka shidaalka Soomaaliya wuxuu xaqiijinayaa cabsidii horey loo qabay oo ahayd in mashruucan uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed kahor inta aanan si dhameystiran loo guda gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM