Mareykanka oo ka hadlay xaalada askari looga dhaawacay Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Qarax is-miidaamin ah ayaa lagu waramay in Axada maanta ah lagu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Janaay Cabdalla, oo 60 KM dhanka Galbeed ka xiga magaaladda Kismaayo.

Tafaasiil kala duwan ayaa kasoo baxeysa khasaaraha weerarka oo ku bilowday qarax ayna xigeen iska hor-imaad dhexmaray ciidamadda iyo dagaalameyaal ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka, wallow ay ka gaabsadeen in ay bixiyaan fahfaahino intaas ka badan.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiso wararkeeda waxay ku warisay in ay beegsatay ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa Ameerikaan ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyey in hal askari looga dhaawacay falkaas. War-saxaafadeed ayay kaga dhawaajiyeen in dhaawaca askariga "uusan ahayn mid halis ku ah noloshiisa".

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in hal dagaalame oo Al-Shabaab ay dhacdadaas ku khaarijiyeen. Saddex askari oo Soomaali ahna ay ku naf-weysay qaraxaas.

Degaanka Janaay Cabdalla oo hoostaga gobolka Jubada Hoose waxaa dhowaan la wareegay ciidamada Jubaland kadib howlgal ay ku qaadeen.

Aadan Goojaar, taliyaha guud ee ciidamada Jubaland oo tibaaxay in maalinta ay qabsanayeen degaanka ay laba askari kaga dhimatay qarax miino, ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay baaqi kusii ahaan doonan degaanka.

Janaay Cabdalla oo u dhaxeeya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ayaa muhiim u ahaa Al-Shabaab, waxaana ay ka heli jireen dakhi maaliyadeeed o oculus kuwaasoo gaadiidka dadweynaha ay ka uruurin jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM