Wararkii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya gudoomiye cusub, kadib markii 9-kii bishan uu xilkaasi iska-casiley Maxamed Cismaan Jawaari.

Doorashada ayaa ka dhacaysa xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, waxaana ku sugan dhamaan Xildhibaanada, Musharaxiinta u tartamaya xilka oo gaaraya 11 kuwaasi oo ay kamid yihiin illaa wasiirro iyo ku xigeenno.

Magacyada Musharaxiinta:

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur
3- Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen
4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye
7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar
8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye
11-Xildhibaan Iimaan Cabdullaahi Nuur

Musharaxiinta ayaa waxay dhamaan kasoo wada jeedaan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana tartanka uu noqon doonaan mid adag, maadaama ay ku jiraan musharaxiinta taageero ka helaya dhinacyada Siyaasadda dalka ku loolamaya.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Musharaxiinta uu kamid yahay Wasiir hore oo welwel weyn ka qabto inuu kusoo baxo tartanka doorashada gudoomiyaha Gollaha shacabka. Halkan akhri. 

UPDATE: Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay inuu ka baxay tartanka doorashada gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM