Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha weerarka Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey hotel-ka Qaahira ee ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladda Beledweyne, kaasoo geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo albaabka ay ku furteen Al-Shabaab, iyadoo gudaha ay galeen illaa 3 qof oo hubeysan, kuwaasoo dilay in ka badan 10 qof, oo ay kamid yihiin Nabadoonada lagu kala magacaabo Aadan Raaxa jecel, Maxaamed Cisman Ileynaa iyo Aadan Maxamed Calasow Indhabur oo beesha Gaaljecel kasoo jeeday.

Askar iyo Saraakiil Ciidanka ayaa ku jira dadka dhintay, waxaana la shaaciyay inuu kamid yahay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Galaangashe. Waxay dadka lahaayeen shir looga hadlayay dagaal lagu qaadayo Al-Shabaab-ka galbeedka gobolka Hiiraan.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay dilaan saddex dabley ah oo gudaha mudo saacado ah ka dagaalamayay, iyadoo lagu soo afkaray dilkooda weerarka dhimashada badan sababay, oo Al-Shabaab ugu tala-gashay inay ku fashiliso qorshaha Beesha Gaaljecel ee dagaalka galbeedka Hiiraan.

Weerarka Beledweyne ayaa muujinaya sida Al-Shabaab wali khatar ugu tahay amniga dalka, iyadoo Kooxda kordhisay maalmahan dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mar walba oo dowladda howlgal billowdo, Al-Shabaab ayaa fulisa weeraro ay uga hortagayso gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada ay dalka ka maamusho, waxaana kooxda heshay fursad ay isku abaabusho markii ay laga joojiyay duulaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM