Wararkii ugu dambeeyay shirka madaxda Somalida uga socda Muqdishu
14 December, 2015(GO)-Wararka soo gaaraya Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in weli uusan socon kulan u dhaxeeya madaxda Somalida oo shir kulahaa magalada Muqdishu kaasoo looga hadli lahaa hanaanka ugu macquulsan ee lagu salayn karo doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.
Kulan maanta dhexmari lahaa dhinacyada Xamar ku shiraya ayaa maanta baaqday sababo la xiriira isfahamwaa u dhaxeeya mas'uuliyiinta ka hadlayay hanaanka doorasho ee dalka oo qaybtood ka soo horjeesteen in Xildhibaanada imaan doona lagu soo xulo habka wax ku qaybsiga beelaha 4.5.
Wafdiga ka socda Puntland ee shirkaasi ka qayb galay ayaa wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in loo soo bandhigay nidaam ah 1/3 oo mucnaheedu tahay in 92-dii degmo ee soomalia laga soo xulo min hal xubin, inta ka dhiman tirada mudanayaasha oo ah 275 lagu soo xulo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.
Arrintaasi, waxaa ku gacan saaray wufuuda Puntland iyo Jubbaland oo sheegay inaysan ku tumanayn dastuurka dalka u yaalla, kaasi oo qoraya in Xildhibaanada dalka lagu soo xuli doonin 4.5, kadib hishiisyo lagu kala saxiixday magalada Garowe.
Wararka Garowe Online ka helayo Villa Somalia, ayaa sheegaya inaysan jirin wax kulamo ah oo mas'uuliyiinta u dhaxeeya, waxaana si aad ah loogu kala aragti duwanyahay habka raaca doorashada sannadka dambe.
Beesha Caalamka, gaar ahaan xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsa arrimaha Somalia ee UNSOM oo mas'uulka u joogay Somalia xilkii ka dhammaaday, ayaa madaxda Somalida cadaadis ku saaraya in la helo xal muuqda oo lagu wajihi karo doorashada 2016 ka hor intuusan Nicklos Kay uusan jagada wareejin.
Magalada Muqdishu, ayaa waxaa ka socda loollan xooggan oo loogu jiro sidii loo hirgalin lahaa nidaamka qabaliga ah ee laga soo gudbay, waxaana habkaasi xal u arka dowladda haatan jirta iyo ururada la siyaasadda ah, kuwaasi oo qaba hadii nidaamkan la hirgaliyo inay ku soo laaban karaan hogaaminta dalka Somalia.
GAROWEONLINE