Wararkii ugu dambeeyay wadaxaajoodyada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Macluumaadyo dheeraad ah ayaa laga helayaa shirka Dhuusamareeb uga furmay madaxda Soomaalida kaas oo ay diiradda ku saarayaan xal u helida is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21.

Warar horudhac ah ayaa muujinaya in madaxda ay maanta diiradda saareen qadiyadda Somaliland iskuna raaceen in ay tashi ka yeeshaan afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

"Xaashi iyo Mahdi ayaa laga sugayaa in ay go'aan mideysan kusoo celiyaan shirka," ayuu yiri masuul si dhow ula socda shirka oo u waramay Garowe Online kaasoo ka gaabsaday in uu cayimo mudada ay haystaan labadaas masuul.

Qodobkan ayaa kamid ah saddexda qadiyadood ee uu daaran yahay shirka Dhuusamareeb 4, iyada oo labada arrin kale ay kala yihiin; guddiyadda ay Villa Soomaaliya faragelisay iyo ciidanka Gedo jooga.

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa ah tan ugu culus waxaana Villa Soomaaliya quudareyneysaa Xildhibaanada degaanadaas laga soo doorto,

Dhanka kale, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya oo shirka socda qoraal kasoo saarey ayaa hogaamiyeyaasha ku booriyey in ay waddanka u tanaasulaan.

"Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka," ayay ku sheegeen qoraal kooban.

Wadaxaajooyadda maanta bilowday ayaan la ogayn goorta lasoo gabagabeyn doono, hasa ahaatee, waxaa xusid in laga doonayo in ay heshiis gaaraan kahor 8-da Febraayo oo waqtiga dowlada dhacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM