Wararkii ugu dambeeyey kulanka Muqdisho uga socda madaxda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadeen maanta kaasoo uu shir gudoominayey Madaxweyne Farmaajo ayaa lagaga hadlay dhameystirka qodobada lagu heshiiyey ee shirka wadatashi oo ka socda magaalada Muqdisho

Kulankaan oo ay goob joog ahaayeen qaar ka tirsan guddiyada farsamada maamul goboleeyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararka aan helyno xusayaan in isla-gorfeeyey qodobada galaya qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxi doona shirkaan.

Shirka madaxda Soomaalida ee uga socda Muqdisho oo la filayo in maalinta berri ah la soo gabagabeeyo ayaa sida warsidaha GO soo gaaraya sheegayaan in heshiis laga gaarey qodobo ay ka mid yihiin Dastuurka, qaybsiga Khayraadka, ka joojinta faragalinta arimaha gudaha ee maamulada balse lama filayo in uu ka muuqdo qodobka khilaafka u dhexeeya dowladaha Khaliijka.

Warmuriyeedka/Heshiiska oo la filayo in la saxiixo maalinta berri ah ayaa kadib madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka kulan balaaran la gali doonaan wakiilada beesha caalamka kuwasoo ay ku wargalin doonaan natiijada.

Warar kale aya sheegaya in go'aan laga gaarey magaca loogu yeeri doono qoraalka ugu dambeeya iyadoo saraakiil diidey magacooda xusayaan in la oran doono Heshiis.

Madaxda Soomaalida oo kulan uga socdo Muqdishu maalintii 7aad ayaa wararka waxay sheegayaan in jawiga wadahadalka dhinacyada uu wanaagsan yahay iyadoo la filayo guddiyo ka tirsan labada dhinac wadaan qodobada laga heshiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM