Warbaahinta madaxa-banaan oo loo diiday tabinta furitaanka kalfadhiga BF
MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta madaxa-banaan ee ka howlgala gasha magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegay in loo diidey tabinta furitaanka kalfadhiga baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas. Ma jiro mas'uul ka tirsan xeer-dejinta waddanka oo fahfaahin ka bixiyey talaabadan.
Xiriiro uu warsidaha Garowe Online la sameeyay waaxda warfaafinta sharci-dejinta dalka ayaanan ka jawaabin dalabka ka hadalka qadiyadan.
Ururada Saxaafadda oo si kulul u cambaareeyay mamnuucistaan lagu soo rogay ayaa ku sifeeyay "wax aan la aqbali karin," iyagoo ku adkeystay in "warbaahinta madaxa-banaan ay tahay tan kaliya ee la aamini karo".
Furitaanka kalfadhiga ayaa kusoo aaday iyaddoo uu jiro Coronavirus isla markaana saraakiisha caafimaadka ku taliyeen in afka iyo gacmaha la xirto marka ay dhacayaan kulamadda muhiimkaee laga maarmaanka ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorshuhu yahay in uu furmo kalfadhiga isla markaana uu jeediyo khudbadiisa dastuuriga.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu hadal-jeedintiisa ku caddeeyo mowqifkiisa hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra'iisul wasaare Khayre ee doorashooyinka dhamaadka 2020-21.
Kalfadhiga baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ayaa ah kan ugu dambeeya ee mudaneyaasha haatan jira, waxaana horyaala ajandeyaal heer Qaran oo ay kamid yihiin sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyadda badan.
Bisha December ee sanadkan 2020 ayaa qorshuhu yahay in wixii ka dambeeya la unko baarlamaan cusub oo bedelaya midka haatan shaqeeya.
Dowladda uu majaraha u hayo Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo 2017-kii waxay wajaheysaa eedeymo la xiriira caburinta iyo faafreebida warbaahinta madaxa-banaan, ficiladaas oo lagu dhaleeceeyay.
GAROWE ONLINE