Warbixin: Mareykanka oo Ka Fiirsanaya Ka Bixitaanka Soomaaliya xilli Khataruhu Sii Kordhayaan
Iyadoo ay sii xumaaneyso xaaladda amniga ee Soomaaliya, warbixino cusub ayaa muujinaya in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib u eegayo joogitaanka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya—taasoo ay ka mid noqon karto xitaa xiritaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Tani waxay dhacaysaa xilli ay ciidamada Mareykanka weli wadaan duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee gudaha dalka.
Kooxaha xagjirka ah ee sida Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya (ISIS-S) ayaa sameynaya horumar dhanka juqraafi ahaan ah. Labadan kooxood, inkastoo ay si mabda’iyan u kala duwan yihiin, haddana waxay wadaagaan hanjabaado caalami ah, awoodna u leeyihiin inay carqaladeeyaan amniga gobolka iyo kan caalamiga ah haddii aan si joogto ah loo wajihin.
Khatarta Isbeddelaysa ee ISIS-S
Tan iyo sanadkii 2019, kooxda ISIS-S ayaa si weyn isu beddeshay, waxayna noqotay faraca ugu firfircoon ee ururka Daacish, gaar ahaan dhanka teknolojiyadda iyo weerarrada dibadda ka baxsan Soomaaliya. Waxay hadda adeegsataa aaladaha cusub sida barnaamijyada farriimaha qarsoon, nidaamyada lacagaha dijitaalka ah (blockchain), iyo xayeysiin ku saleysan AI (Artificial Intelligence) oo luqado badan ku baxa, taasoo u sahlaysa inay ku xirmaan dhalinyarada dunida dacaladeeda joogta.
Kooxdan waxay ka baxday qorshaha ah in la qabsado Muqdisho; halkii ay caasimadda weerari lahayd, waxay diiradda saartay meelaha aan la maamulin, iyadoo halkaas ka fulinaysa falal carqaladeyn ah oo wax u dhimaaya nidaamka dowladeed. Waxa kale oo jira warar sheegaya in ISIS-S ay Soomaaliya ka hawlgasho xafiis lagu magacaabo “Al-Karrar,” kaas oo lacag u ururiya faraca ISIS ee Khorasan (ISIS-K), oo caan ku ah weerarkii ka dhacay albaabka garoonka diyaaradaha ee magaalo Madaxda Kabul ee sanadkii 2021.
Al-Shabaab iyo Wacyiga Siyaasadeed ee Gobolka
Dhinaca kale, Al-Shabaab—oo ah faraca Al-Qaacida ee Bariga Afrika—ayaa si weyn u sii xoogeysanaya. Waxay leedahay awood militari oo sare, waxayna maamushaa dhul ballaaran. Al-Shabaab horey ayay weerarro uga geysatay Kenya iyo Uganda, waxaana la xasuustaa weerarkii Manda Bay ee 2020 oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah. Kooxdu si toos ah ayay ugu hanjabtaa danaha Mareykanka iyo kuwa reer galbeedka ee gobolka.
Isbaheysiga Khatarteeda Leh: Al-Shabaab, Daacish & Xuutiyiinta Iran Taageerto
Warbixinno cusub ayaa sheegaya in uu jiro xiriir xagga hubka iyo iskaashi dhanka farsamada ah oo u dhexeeya Al-Shabaab, ISIS-S, iyo Xuutiyiinta Yemen—kuwaasoo taageero ka hela Dowladda Iiraan. Hubka laga keeno Iran ayaa la rumeysan yahay in la marsiiyo badda una gudbo gudaha Soomaaliya, halkaas oo uu gaaro gacanta kooxaha xagjirka ah.
Iskaashigan cusub wuxuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka, gaar ahaan badda Cas iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah meel istiraatiiji ah oo ay maraan ilaa 12% shidaalka caalamka. Haddii kooxahan ay bilaabaan inay weerarro ka fuliyaan marin-biyoodkan, saameynta dhaqaale ee dunida oo dhan ayaa noqon karta mid aad u weyn.
Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Ka Bixitaanka Mareykanka
Ka bixitaankii Mareykanka ee Soomaaliya sanadkii 2021 wuxuu horseeday firaaq amni oo si deg deg ah ay u buuxiyeen Al-Shabaab iyo ISIS-S. Inkastoo ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabteen sanadkii 2022, saameynta ka bixitaankaasi waxay horseeday in kooxahan ay dib isu abaabulaan, xiriirro cusubna la yeeshaan kooxo kale oo gobolka ka hawlgala.
Sidaas darteed, haddii Mareykanku uu mar kale ka baxo Soomaaliya, iyadoo aysan jirin istiraatiijiyad caddaan ah oo lagu xakameeyo khatarta, waxay taasi noqon doontaa qalad istiraatiiji ah. Tani ma ahaan doonto kaliya in Mareykanka uu gacan ka siiyo koritaanka argagixisada, balse sidoo kale waxay siineysaa Iiraan fursad ay ku ballaariso saameynteeda gobolka.
Gabagabo: Joogitaan Istiraatiiji ah si Loo Xakameeyo Khataraha
Soomaaliya waa meesha ugu muhiimsan ee ay isugu yimaadaan khatarta argagixisada, dagaalka badda, iyo xasaradaha juqraafiyeed ee u dhexeeya waddamada reer galbeedka iyo kuwa gobolka. Sidaas darteed, Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu sii joogo gudaha Soomaaliya, si istiraatiiji ah—iyadoo loo marayo safaaradda Muqdisho, iskaashi goboleed, iyo howlgal sirdoon oo taxaddar leh.
Ka bixitaanka hadda wuxuu noqon karaa doorasho taariikh ahaan lagu xasuusto inay ahayd qalad weyn. Haddii Mareykanku sii joogo, waxa uu fursad u helayaa inuu carqaladeeyo xiriirka sii xoogeysanaya ee kooxaha argagixisada. Haddii uu baxana, waxa uu siinayaa rukhsad kooxahan inay sii ballaariyaan khatartooda caalamiga ah.
Maqaalkan waxaa tarjumey warsidaha Garowe Online, waxaana markii hore qorey jariidada Atlantic Council.