Wariyaasha Universal ka xirnaa oo la sii daayay [Dhagayso]

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta xoriyadoodii dib u helay wariyaasha Universal ee dowladda Somalia u xirnaa muddo dhan shan cisho.

Sii daynta Agaasimaha Bariga Africa ee TV-ga Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo wariye Cawil Daahir ayaa timi ka dib codsi ka yimi Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo xeer ilaaliyaha guud ka codsaday in arrinka xarigga lagu dhammeeyo wadahadal.

Waraysi ay siiyeen VOA-da labadaasi wariye ayay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin sii dayntooda, iyagoo xusay in si wanaagsan loola dhaqmay intay xabsiga ku jireen, balse ay dareemayeen xoriyad darro.

Xarunta Universal ku leeyahay magalada Muqdishu ayaa sidoo kale la fasaxay, waxaana falkani yimi ka dib barnaamij todobaadkii hore looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Somalia.

Dowladda ayaa horray u sheegtay in TV-gu baahiyay warar been abuur ah.

Xarigga wariyaasha waxaa ka hadlay mas'uuliyiin, ururo u dooda wariyaasha iyo bulshada qaybahooda kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM