Cabisalaam Hareeri oo ka hadlay geerida Wariye Cawke [Dhagayso]

Image

17 November, 2015(GO)-Allaha u naxariiistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa waabarigii hore ee saaka ku geeriyooday magalada Jig-jiga ee xarunta ismaamulka Somalida Ethopia, siday xaqiijisay gabadha kaliya ee walaalaha yihiin Canab Xasan oo sheegtay inuu la soo hadlay xilli dambe xalay  oo u sheegay inay neeftu haysto ka dibna geeridiisa loo soo sheegay.

Wariye Cabisalaam Hareeri oo haantan ku sugan magalada Wajaale ku sugan ayaa Radio Garowe uga warmay taariikh nololeedkiisa maadama ka soo wada shaqeeyeen meelo badan.

Wariye Cawke oo da'a ahaan jiray qiyaastii 72 sano ayaa ifka uga tagay 6 caruur ah,iyo hal xaas wuxuuna ku dhashay magalada Wajaale isagoo waxbarashada dugsiga sare ka baxay Camuud maglada Boorama.

Axmed Xasan Cawke oo caan ka noqday geyiga Somalidu dagto, wuxuuna markii u horaysay ka shaqo bilaabay Radio Muqdishu 1972-dii, kadiba wuxuu la shaqeeyay Telifishankii Somalia, isagoo markii dambe noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii dalka.

Wuxuu sidoo kale ku biiray laanta Afka Somaliga ee BBC-da sanadkii 1996-2007-dii, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Laanta Afka Somaliga ee VOA iyo telefishinka Universal ayuu la soo shaqeeyay Wariye Cawke ALLAHA u naxariistee. 

Maydkiisa ayaa lagu aasi doonaa magalada Hargaysa caasumadda Somaliland

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM