Wariye Axmed Xasan Cawke oo Wajaale lagu aasay

Image
Image
Image
Image

17 November, 2015(GO)-Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magalada Wajaale oo dhacda xuduuda Ethopia iyo Somaliland ALLAHA u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke saaka ku geeriyooday magalada Jigjiga xarunta dowladda deegaanka Somalida Ethopia.

Aaska Cawke, waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha ismaamulka Somalida, madaxweyne ku-xigeenka Somaliland xubno ka tirsan golaha wasiirada labada dhinac, siyaasiyiin waxgarad iyo bulsho aad u tiro badan kuwaasi oo ka tacsiyeeyay geerida ku timi marxuum Axmed Xasan.

Madaxweynaha dowladd deegaanka Somalida Ethopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa VOA-da u sheegay inuu ahaa shakhsi u dhaxeeya Somalida oo dhan, wuxuu ku baaqay in la taageero ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa sidoo kale tacsi u diray marxuumka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

Geerida marxuum Cawke ayaa si weyn looga dareemay geyiga Somalida dagto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM