Wariye Cabdiwali Cali Online oo lagu khaarijiyey Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley aan wali la aqoonsan heybtooda ayaa lagu waramay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay wariye Cabdiwali Cali oo loo garan og-yahay Cabdiwali Online.

Fahfaahin buuxda wali lagama hayo qaabka uu u dhacay dilka marxuumka oo la tilmaamay in kooxihii ka dambeeyay ay carareen kahor inta aysan meesha soo gaarin laamaha amniga magaalada.

Illo ku dhow qoyskiisa ayaa khadka telefoonka ugu sheegay Garowe Online in Cabdiwali uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey rasaas ay ku fureen kooxo bastooladu ku hubeysanaa.

"Cabdiwali dhowr xabadood ayaa looga dhuftay qeybaha sarre. Wuxuu dhintay isagoo dhaawac ahaan loogu soo waddo Muqdisho si loo badbaadiyo noloshiisa," ayay raaciyeen.

Saxafiga ayaa kasoo howlgalay warbaahino ay kamid yihiin; Radio Shabelle, Radio Kulmiye iyo Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Ma cadda sababta loo beegsaday wariyaha. Sidoo kale, illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uulka toogashada.

Hay'adda caalamiga ah ee Amneyst oo dhowaan warbixin soo saartay ayaa ku sheegtay dowlada Farmaajo "xukuumadii ugu xumeyd ee soo martay warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya".

Si lamid ah, hay'addu waxay warisay in mudadii ay jirtay Nabad iyo Nolol lagu dilay Soomaaliya sideed wariye. Dilka Cabdiwali ayaa ka dhigan in uu noqonayo midkii sagaalaad.

Beegsiga wariyeyaasha ayaa inta badan loo aaneeyaan dhinacyadda hubeysan ee iska soo horjeeda, kuwaas oo bartilmaameed ka dhigta saxafiga iyo xarunta warbaahineed ee baahisa wararka lidiga ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM