Wariye ku dhintey qaraxa Jazeera, Madaxweynaha DF oo ka hadley

Image

July 26,2015 (GO)- Wariye ka tirsan Universal TV ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Ibraahim Okey oo tirsan Universaltv ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada Cabdikariin Macallin Aadan oo TV-ga uga soo warami jiray gobolka Gedo. Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wariye Salmaan Jamaal Siciid oo ka tiraan Universal TV.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa tacsi u direy dadkii ku dhintey qaraxaan isaga oo sheegey inuu ahaa fal fuleymo ah oo ay gaysteen kooxaha argagixisada ah.

“Waxan u tacsiyeynayaa dhamaan dadkii wax ku noqdey falkan argagixisnimo waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhawacmey weerarkaasi waxashnimada oo aan wax shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah, waan hubaa inaan argagixisada ka adkaaneyno, marnababa ma dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal”, ayuu yiri Madaxweynaha dowlada Federaalka oo ku sugan magaalada Kismayo

Dhimashada weerarka maanta loo gaystey hotelka Jazeera ayaa wararku sheegayaan iney gaartey labaatan qof halka dhaawac farabadan uu jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM