Wariye maxkamad loosoo teegay dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya waxaa maanta la horgeeyay Maxamed Cabdiwahaab Maxamed [Abuuja], oo kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaala madaxda Muqdisho.

Abuuja oo ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ay xabsi u taxaabeen 6-dii May, sanadkii 2019 ayaa loo haystaa dilka Baxsaney Cabdulle Boolaay oo ka dhacay degmadda Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dhageysigii Isniinta maanta ah oo ahaa fadhigii ugu dambeeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelkiisa iyo xubno ka tirsan ururada warbaahinta.

Dacwad-oogeyaasha oo ku adkeystay in Abuuja uu ku lug-lahaa falkaas ayaa la yimid marqaatiyaal ay ku jiraan saraakiil – Midkoodna si toos uma caddeyn, marka laga reebo mid ay jawaabihiisu is-burinayeen.

Xafiiska xeer-ilaalinta oo difaacay doodiisa ayaa ka codsaday garsooreyaasha in ay go'aan ku gaaraan caddeymaha "kala dhiman" ee ay horgeeyeen.

Qareenadda oo aan ku qancin caddeymaha ayaa xusay in aysan jirin tilmaamo sax ah oo muujinaya in Abuuja uu dambiga galay, iyagoo codsaday in xorriyadiisa dib loo siiyo saxafigan madaxa-banaan.

Wariye Abuuja oo khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo hogaanka amniga degmada Shibis oo ehelkiisa ay degan yihiin ayaa dhowr jeer iska fogeeyay eedeymaha, isagoo cadaalad la rajeeyay maxkamadda.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee lagu dhibaateeyo wariyeyaasha marka ay tooshka ku ifiyaan khaladaadka mas'uuliyiinta aanan u dulqaadan dhaliisha isla markaana oo u adeegsa awood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM