Warmurtiyeed ka soo baxay shirka warbaahinta oo Muqdishu ka socday

Image
Image
Image
Image

23 November, 2015(GO)-Waxaa magalada Muqdishu xarunta Somalia lagu soo gaba gabeeyay shir weyne Qaran oo ku saabsanaa sidii warbaahinta Somalida iyo wariyaashaba loo tayayn lahaa.

Kulan ayaa socday mudo labo cisho ah, waxaan ka qayb galayay wasiirrada dowladda Federalka Somalia iyo maamul goboleedyada, urarada saxaafadda, madaxda warbaahinta Somalida, wariyaal iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Danjire Nicholas Kay.

Shirkan, waxaa ka soo baxay warmurtiyeed ay isku raaceen dhamman xubnaha ka qayb galay, wuxuuna ka koobnaa 18 qodob.

Hoos ka akhriso go'aamada shirka Xamar ka soo baxay

1. Wasiirradu waxey soo dhoweeyeen, una mahadceliyeen doorka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey u mahadceliyeen doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah kadib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta ka hawl gasha dawlad goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

2. Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta.

3. Waxay isku waafaqeen wasiirradu muhimadda ay leedahay in Wasaaradaha Warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku yeeshaan qorshe iyo istraatejiyad cad oo lagu taageerayo nabadda iyo xasiloonida dalka, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda.

4. Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha.

5. Wasiiradu waxey isla garteen in Xeerka Saxaafada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee hada horyaala golaha shacabka Soomaaliyeed dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 cisho ah si dawlad goboleedyadu fursad ugu helaan in ay soo dersaan sharciga.

6. Wasiiradu waxey isla garteen in marka la ansixiyo xeerka Saxaafadda laga wada shaqeeyo dhaqangelintiisa iyadoo golaha Warbaahinta Qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan Dawlad Goboleedyadu si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta.

7. Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna amaaneen horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah.

8. Wasiirradu waxa ay isla meel dhigeen in si hawlgallada ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan yahay in dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo is kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda oo la dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada ee wax kala tirsanaya.

9. Waxay hoosta ka xarriiqeen in bahda warbaahinta oo is kaashanaysa ay sameyn karto wacyigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday.

10. Wax ay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga aheyn iyo hanjabaadaha ah ay kooxaha argagixisada ah iyo sharwadayaal kaleba ay ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo ay sharciga hor keenaan.

11. Wasiirradu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed ay gelayso marxaladda cusub.

12. Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha saxaafadda taageera ee caalamiga ah ee magaca warbaahinta Soomaaliya deeq bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamijyadooda u soo gudbiyaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed si looga hortago in barnaamijyo isku mid ah ay wada saameeyaan oo aan ka tarjumeynin baahida warbaahinta.

13. Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dawlad goboleedyada ay ka hawlgalaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran.

14. Waxay wasiirradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay wacyigelin la xiriirta barashada dhinacyada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka, loona baahan yahay in Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo ay ku wacyigelinayaan bulshada Soomaaliyeed.

15. Waxay Wasiiradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyo wacyigelineed oo la xiirira amniga, wadaniyada, midnimadda iyo is aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, degaamadda iyo beelaha Soomaaliyeed.

16. Wasiiradu waxay bogaadiyeen hawlgaladda amni iyo guulaha ay ka soo hoynayaan dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna ugu baaqaan in ay soo afjaraan ciribtirka UGUS iyo kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya.

17. Wasiiradu waxay isku afgartaan in ay shir dambe isugu soo noqdaan bisha December 2015 si ay u meel mariyaan qorshaha iyo istraatejiyada horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socoto oo hada gacanta lagu hayo.

18. Wasiiradu waxay ugu baaqeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan isla markaana joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay Wasaaraduhu wadaan oo si siman dalka oo dhan looga hirgelin doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 08:28PM

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM