Warsame: Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka waa in ay ogaadaan in dalka aysan ka qabsoomi karin doorasho la og-yahay cidda kusoo baxeysa oo hal dhinac u raran, sidda uu ku wargeliyey siyaasi xog ogaal ah.

Dhawaqa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli uu is-qabqabsi ka taagan yahay guddiyadda doorashooyinka oo Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida ay faragelin ku sameeyeen.

"Madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda weli kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin," ayuu Jimcada maanta ah kusoo qoray Facebook.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray hadalkiisa: "Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan".

"Waxey ku tala galeen in ay fursad walba xiisad hor leh ku abuuran, si ay Soomaali u kala doorato tooda ama in lagu kala tago. Soomaali waxey marag ka tahay in 30 sano koox kaligeed xoog keeda ah wax ku meel marsata la waayay, cid kasta oo awood is baddana, masiir xun ayaa u danbeeyey," ayuu tibaaxay.

"Villa Somalia iyo taliska nabadsugidda isbaarooyinka ay doorashada ku horgaynayaa waa kuwo is dabayaala, waase la fahamsanahay" ayuu hoosta ka xariiqay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso. Waqtiga iyagaa iska lumiyey, Soomaalina way ka tashan, dalkana halistooda waan ka badbaadsanaynaa Ilaaheey idinkii".

Hogaanka waddanka ee waqtiga kasii dhamaanayo ayaa doonaya in ay soo laabtaan coddeynta soo aadan, waana sababta ay guddiyadda doorashadda ugu dhex-mileen xubno taabacsan si ay ugu dhaqan-geliyaan qorshahoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM