Warsame: Farmaajo qeyb kama noqon karo xalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Sabtida maanta ah wuxuu shaaciyey in dowlada Soomaaliya ay ciidamo badan furimaha dagaalka uga soo saartay in ay weeraraan golaha madaxtinimada.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, askarta waxaa sidoo kale qorshahoodu yahay in ay arbushaan mudaaharaad kasta oo Musharaxiinta ay isku-dabaridaan.

Isaga oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamadda balse magaciisa uusan soo bandhigin ayuu musharaxa madaxwayne ka dhawaajiyey in Beesha Caalamka ay ku fashilantay la tacaalida.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu cod dheer ku sheegay in uusan qeyb ka noqon karin dedaalada xalka lagu doonayo, wallow uusan fahfaahin.

"Waxaan la hadlay sarkaal sare oo milatari kaasoo ii sheegay in ciidamo aad u hubeysan looga soo saarey furimaha dagaalka si ay u weeraraan mucaaradka uma carqaladeeyaan banaanbaxa. Beesha Caalamka waxay ku fashilantay in ay dalbato isla-xisaabtan. Farmaajo qeyb kama noqon karo xalka," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Warsidaha Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashadda musharaxa. Balse, dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedaha siyaasiga.

Ciidamadda ayaa u muuqanaya kuwa ku milmaya siyaasadaha iska soo horjeeda taas oo dab kusii shideysa khilaafka, wuxuuna xalka ku imaan karaa iyaga oo kaliya cayaara door dhexdhexaad ah.

Tan iyo markii uu xafiiska Villa Soomaaliya la wareegay, Farmaajo ayaa dhisay guutooyinka ciidan ee lagu kala magacaabo Haramcad iyo Gorgor kuwaas oo mashruuc siyaasadeed loo adeegsaday dhowr jeer.

Turkiga iyo Qadar oo gacansaar dhow la leh Farmaajo ayaa maalgeliyey tababarka iyo qalabeynta ciidamadaas oo telefishinka Dowlada Soomaaliya uu bilaabay in uu xayeysiiyo markii ay carqaladeeyeen mudaaharaadkii shalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM