Warsame: Farmaajo waxaa u haray qorshe is-qarxin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cod dheer kaga digay "qorshe is-qarxin ah" kaasoo uu sheegay in Farmaajo "uu u haray" isla markaana ah "uu doonayo in uu ku weeraro Musharaxiinta" kadib markii "xalay uu qorshihiisa fashiliyey doorashadda been-abuurka ah" madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

"Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey wuxuu doonayaa in uu Soomaaliya kala doorisiiyo dagaal sokeeye iyo kelitalisnimo," ayuu ku daray, isaga oo tibaaxay in qaabka kaliya ee looga hortagi karo ay tahay mudaaharaad nabadeed.

Banaanbaxa ayaa mar kale wuxuu ka dhacayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho maalinta Jimcaha ee todobaadkan xilli ay xusid mudan tahay in dibadbaxii loo qorsheeyay Jimcada asbuucii hore ay arbushtay dowladda.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, musharaxiinta ayaa isku-raacay in waddanka aysan doorasho ka qabsoomin karin illaa "meel la saaro" dhacdooyinkii 19-kii bishaan Febraayo.

"19-kii Febraayo wixii dhacay ayadda oo meel ka saarin horey loo socon maayo. Haddey tahay golaha ammaanka, Beesha Caalamka, iyo Soomaali waa in meel la saaraa arrintaas; meel aan banaanbax ka dhici karin, doorasho kama dhici karto," ayuu xusay.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayuu ku eedeeyay in ay la kulmayaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey, wuxuuna carabka ku adkeeyay in aysan jirin taageero badan oo ay ka filayaan diblumaasiyiinta ku sugan Muqdisho.

Shalay ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, uu Madaxtooyadda kula kulmay Farmaajo kaasoo ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka qaabka loo xalinayo is-faham-waaga sababay in dib-u-dhac uu ku yimaaddo waqtiga ay dhaceyso doorashadda taasoo dalka u horseeda jahwareer xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM