Warsame oo isku diiwaan-geliyey tartan Xildhibaanimo

Image
Kooxda Farmaajo ayaa olole xoogan waxay u gashay is-hortaaga damaca hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Axada maanta ah Dhuusamareeb lagu gudoonsiiyay shahaadada mushaxnimadiisa kursiga tirsigiisu yahay Hop#138 ee deegaan doorashadiisu tahay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Mr Warsame oo loo badinayo in uu kursigaan ku soo bixi karo maadaama inta badan xubnihii u tartamayay kursigaan ay u tanaasuleen ayaa tagay xarunta guddigu ku leeyahay Dhuusamareeb waxana la siiyay shahaada ka dib markii la diiwaan galiyay.

Kursigaan Xildhibaankii horay ugu fadhiyey oo ah Saciid Nuur Giriish ayaa la sheegay u tanaasulay Cabdiraxmaan oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo

Taardhuleed oo wasiir ka soo noqday Galmudug, deegaankana aad looga yaqaano ayaa isna ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop138, waxaana jira warar sheegaaya in musharaxnimada Taardhuleed uu  gacan ku leeyahay Fahad Yaasiin oo u soo dhex-maray xubin ka mid ah guddiga doorashada Galmudug taas oo qayb ka ah dadaalka Villa Somalia u gashay in ay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ka go’an inay taageeraan cid kasta oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaafi karta kursigaan, si loo qab-jebiyo.

Si walbaba markii dhinacyo badan laga fiiriyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kursiga Hop 138 oo la dooranayo horaanta todobaadka soo socda.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu ogolyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaato kursiga beeshiisa, laakiin ma rabo inuu u xoogo sidii loo sameeyey ragga qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM