Warsame oo ku taliyey in lasii daayo Mukhtaar Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ku taliyey in lasii daayo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur "si uu u hogaamiyo guluf ka dhan ah argagixisadda Al-Shabaab".

Warsame ayaa baaqaan soo jeediyey xilli ka hadlayey "dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku hayso shacabka degmooyinka Xuddur iyo Waajid ee gobolka Bakool".

Musharaxa madaxweyne oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay hogaamiyaan howlgalka degmooyinkaas looga dulqaadayo "ciqaab wadareedka ay Al-Shabaab ku hayaan".

Warsame ayaa soo jeediyay "In Sheekh Mukhtaar Roobow xabsiga laga sii daayo, si uu hormuud ugu noqdo la dagalaanka cadawga Al-Shabaab ee deegaankaas, maadaama uu tabtooda yaqaanno".

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame

Argagexisada Al-Shabaab waxay sanado badan go’doon ku hayeen deegmooyinka Xuddur iyo Waajid. Waxey ciqaab wadareed ku hayaan shacabka deegaankaas, iyagoo gubaya gawaarida raashinka daruuriga ah deegaanka u wada. Maalmo ka hor waxey gubeen ceel ay biyaha ka cabaan shacabka Bacaadweyne. Cadawtinnimada argagexisada Al-Shabaab waxay gaartay heer ay shacabka nolosha u diidaan. Waxaan ku talinaynaa

1- In qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada ay qaylodhaan ka muujiyaan ficilkan gurracan.

2- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waa in ay hormuud u noqoto abaabul dadweyne iyo mid culays lagu saarayo Dowladda Federaalka iyo AMISOM in ay u istaagaan hawshaan oo ay masuuliyadooda qaataan.

2- Dowladda waa in ay deegaankaas u dirtaa ciidanka ay deegaannada nabadda ah u direyso, oo ay doonayso in ay doorashooyinka ku boobto.

3- In Sheekh Mukhtaar Roobow xabsiga laga sii daayo, si uu hormuud ugu noqdo la dagalaanka cadawga Al-Shabaab ee deegaankaas, maadaama uu tabtooda yaqaanno.


Mukhtaar Roobow ayaa December, 2018 waxaa lagu xiray caasimadda kumeelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo xilli uu musharax u ahaa doorashada madaxtinimadda maamulka, waxaana tan iyo xilligaas uu xabsi guri ku yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM