Warsame oo sheegay in DF heysay xogta qaraxii Luul Yemeni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda ammaanka Soomaaliya ayaa hayey xogta weerarkii Al-Shabaab ay xalay ku ekeysay maqaayadda Luul Yemeni balse waxaa looga mashquuliyey in ay jidadka ka xirtaan banaanbaxa musharaxiinta, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa qoraalkiisa soo raaciyey warqad caddeyneysa digniinta dhanka amniga ah ee loo diray mamaulka gobolka Banaadir.

"Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan".

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliska Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga yimid wasiirkii hore ee qorsheynta.

Hadii la xaqiijiyo sheegashadda siyaasi Warsame, waxay muujineysaa habacsanaanta laamaha ammaanka Soomaaliya iyo in ay ku guuldareysteen in ay baajiyaan weerar macluumaad fahfaahsan ay ka hayeen.

Khuburadda amniga ayaa horey uga digay in mashquulka badan ee madaxda dowladda federaalka ku yihiin xarig-jiidka dhanka siyaasadda ay fursad dahabi ah u tahay maleyshiyadda Al-Shabaab, iyaga oo ku taliyey in ciidanka ammaanka loo jiheeyo xasilinta iyo xaqiijinta nabad-gelyada waddanka.

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame faafiyey

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM