Warsame oo taageero dhaqaale waydiistay dadweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa codsi dhif ah kuna saabsan doorashooyinka sanadka 2020-21 wuxuu waydiistay shacabka Soomaaliyeed.

Warsame oo kasoo muuqdey muuqaal soconaya in ka badan saddex daqiiqo kuna soo bandhigay ciwaanada uu ku leeyahay baraha bulshadda wuxuu Soomaalida ku waydiistay taageero dhaqaale oo ololaha soo aadan uu ku guda galo.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa dalabkaas wuxuu u cuskaday "si looga maarmo gacan hoorsiga ajnabiga iyo taladda shisheeyaha".

"Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos uu shacabka Soomaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqaale. Waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan uga falcelin doontaan," ayuu yiri Warsame.

Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa aalaaba waxaa lagu tirayaa in qaarkood ay ololahooda doorashadda maalgeliyaan dalal shisheeye.

Inkasta oo uusan jirin musharax illaa haatan si furan uga waramay jiritaanka arrintaas, haddana wax kasta waxaa la aaminsan yahay in ay ka dhacaan daaha gedaashiisa iyo qaar taageeradooda dalalkaas ay saxaafada ka cadahay.

Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa la og-yahay in ololihisii 2016-kii ay maalgelisay dowladda Carbeed ee Qadar.

Talaabadda uu qaadey Warsame ayaa la rumeysan yahay in ay bog cusub u fureyso siyaasadda Soomaalida iyo guud ahaan Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya – taas oo doorashooyinkeeda aysan coddeyn dadweynaha ama shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM