Warsame: Taliska Farmaajo wuxuu abuuray cadaawad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dadka Soomaaliyeed ka dhex-abuuray cadaawad, sidda uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay boggiisa Twitter-ka, ayaa ku daray in Farmaajo khatar geliyey mashruuca nabadeynta Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in waddanka ay ka dhacdo doorashooyin lagu heshiiyey habraaca iyo geedi socodka guud ahaan lagu galayo.

"Qabashadda afartii sanaba mar doorashooyin lagu heshiiyey oo nabdoon waa qeyb muhiim u ah dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee dalkeena. Sikastaba ha ahaatee, taliska waqtigiisu dhammaaday wuxuuse abuuray xaalado cadaawad iyo shaki taas oo iyana sii xoojisay kalsooni daradda, khatarna gelisay dhammaan mashruucii dhismaha dowladnimada iyo nabadda [Soomaaliya]," ayuu yiri.

Dhawaqa siyaasi Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli maanta uu shir Muqdisho ku dhexmaray musharaxiinta mucaaradka iyo madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda Puntland iyo Jubaland.

Warsame oo ka warbixiyey shirkaas ayaa adkeeyay in diirada lagu saarey "sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda".

"Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda. Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Muqdisho ku dhexmaro shir xal loogu goobayo is-mari-waaga coddeynta heer federaal kaasoo abaabulkiisu leedahay Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM