​Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia oo ka hadashay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Somalia Cabdikaamil Maclin Shukri, ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhimatay, 7 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax loo adeegsaday Gaari oo Xalay ka dhacay magaalada Muqdishu.

Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo lala damacsanaa Kolonyo ciidamada dowladda Somalia, ayaa ku qarxay meel ku dhaw halka loo yaqaano Daljirka Dahsoon, ee degmada Boondheere.

Cabdikaamil, ayaa tilmaamay in ciidamada markii ay ka shakiyeen Gaari oo xowli ku socdey ay ku rideen Xabad, kadibna sidaasi uu ugu qarxay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa dhamaantooda waxay ahaayeen saddex Shicib ah iyo Ninka watay Gaariga miinada lagu soo xiray, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaarada Amniga Somalia.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada weerarkaas.

Amniga Muqdishu ayaa u muuqda inuu faraha ka baxaya, sidoo kalena uu fashilmay balanqaadkii dowladda uu waqtigeedu dhammaaday ee ahaa inay sugayso Ammaanka Caasimadda xilliga Doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM