Wasaaradda arrimaha dibadda oo eedeysay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Kenya waxay dooneysaa in aan si aan toos ahayn u maamusho qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, sidda ay war-saxaafadeed ku sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Muqdisho.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo," ayay wasaaradda ku yiri warka qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya," ayay hoosta ka xariiqdey wasaaradda.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada".

Eedeyntan ayaa imaaneysaa saacado kadib markii dagaal khasaaro naf iyo maal geystay uu ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Muqdisho ayaa sheegtay in Beledxaawo ay kusoo duuleen "jabhad ay Kenya soo hubeysay". Balse, Nairobi waxay ganafka ku dhufatay eedeyntaas, iyadda oo ku baaqdey in deg-deg loosoo afjaro colaadaas uu dhiiga ku daatay.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan dhulka u dhaxeeya xadka Soomaaliya iyo Kenya ay weerar kala kulmeen askarta dowladda federaalka geysay gobolka Gedo isla markaana ay si xooggan ah isaga caabiyeen.

Isku-dhacyadda kasoo cusboonaadey Beledxaawo ayaa kusoo hagaagay xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 oo xudun u ah gobolka Gedo aan wali la xalin balse ay socdaan dedaalo la rabo in lagu soo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM