Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa xarigga ka jaray ceel-biyood cusub oo laga hirgeliyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa munaasabadda furitaanka waxaa ku wehelisay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Maryan Cismaan Axmed, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo xubno door ka qaatay hirgelinta mashruuca.

Ceelka cusub ayaa loogu talagalay in lagu daboolo baahida biyaha ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo sidoo kale fududeynaya adeegyada iyo hawlaha ka socda xarunta.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in tan iyo markii ay xilka la wareegeen ay mudnaan gaar ah siinayeen sidii xal waara loogu heli lahaa baahida biyaha ee xarunta.

“Maanta waxaan xarig-jareynaa ceel-biyood cusub oo ay Wasaaraddu yeelanayso, waana markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay xaruntan sanadkii 2008,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah, maadaama biyuhu ay ka mid yihiin baahiyaha aasaasiga ah ee xarunta.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay hay’adda maxalliga ah ee PMWDO iyo madaxdeeda, gaar ahaan Burhaan Cabdullaahi Shiil, oo munaasabadda goobjoog ka ahaa, iyo Madaxa Qaybta Biyaha iyo Nadaafadda Wasaaradda, Niciimo Nuur Muuse, oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay hirgelinta ceelka.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo xubno ka shaqeeyay dhismaha iyo hirgelinta ceel-biyoodka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM