Wasiir Diini "xubnaha Al-shabab ka tirsan fursad ayey weli haystaan"

Image

February 15, 2015- Wasiirka Gaashaan-dhigga Dowlada Federaalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa baaq u diray dhallinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab.

Diini oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka, wuxuu ugu baaqey xubnaha Al-shabaab inay nabada qaataan kana faa'iideystaan cafiskii horay Madaxweynuhu ugu fidiyey.

"waxaan dhallinyarada la qalday leeyahay haka qeyb qaateen dib u dhiska dalkooda, oo aysan ka qeyb qaadan bur burinta dalka, markasta waxa ay haystaan fursadda uu horey Madaxweynuhu u siiyay" ayuu yiri.

Dhanka kale, wuxuu fariin u direy ciidamada isagoo ku boorriyey inay shaqadooda sii laban laabaan islamarkaana dadaal badan geliyaan sidii ay ammaanka dalka u sugi lahaayeen ugana hortegi lahaayeen cid kasta oo nabadgelyada wax u dhimi karta.

Cabdiqaadir Sheekh Cali Diino oo horay usoo noqdey taliyaha ciidamada xoogga dalka, dhowaan ayaa loo soo magacaabay Wasiirka Gaashaan-dhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM