Wasiir ka tirsanaa maamulka HirShabelle oo toogasho lagu dilay

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dabley hubeysan ayaa lagu waramay in caawa ay hoygiisa ku yaala magaalada Jowhar ku dhex-dishay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka HirShabelle.

Alle ha u raxmadee marxuumka oo sidoo kale ah Xildhibaan "afgaaban" kana tirsan Golaha Wakiilada maamulkaas ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Abuukar Muxumed.

Gacan-ku-dhiiglihii ka dambeeyay khaarijinta ayaa la sheegay in uu ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamadda ammaanka oo baaritaan bilaabay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh degaanada HirShabelle, halkaasoo ay ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo kuwa toos ah ii ciidanka la eegtaan.

Bishaan August 13-keeda ayuu madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu u magacaabay jagadaas. Wuxuu bedelay Cali Xaaji Cabdulle Isgoow. Kahor wuxuu soo noqdey wasiir ku xigeenka maaliyada.

Falalka amni darada ayaa kusoo badanaya degaanka maamulkan iyaddoo ay soo dhow-dahay doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyadda, mana muuqdo diyaar-garow loogu jiro coddeyntaas.

Sidda ku xusan jadwalka u degan maamulkan, bisha September ayaa qorshuhu yahay in ay bilaabato xulista Xildhibaanada, halka October ay qabsoomeyso cod-bixinta lagu dooranayo hogaanka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM