Wasiir Maareeye oo sheegtay Mashruuca uu bixiyay Bangiga Adduunka
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir Maareeye ayaa qoraal oo soo dhigay bartiisa Facebook ugu jawaabey Wasiirka Beeraha Puntland Maxamed Cabdiqaadir Doonyaale, ayaa sheegey in cagafcafyo Dowladda Federaalku siisay beeralaysa degmada Iskushuban ee gobolka Bari, kuwaasoo uu xusey in laga bixiyey Mashruuc Bangiga Adduunka ugu tala-galay in lagu caawiyo Beeralayda Soomaaliya.
"Waxaan arkay dad dhaqan ahaan u sameysan in ay xumaan sheegaan, iyo Warbaahinta aan masuulka ahayn, oo aan si fiican u akhrin Warqaddii ka soo baxday Wasaaradda Beeraha DFS ee lagu qaybiyey 26 Cagaf oo Bangiga Aduunku ugu deeqay Beeraleyda Soomaaliyeed, laguna aasaasay Wakaaladii ONAT, Cagafyadaas oo laba ka mid ah la geynayo Maamul Goboleedka Puntland," ayuu ku dooday Maareeye.
Arintan ayaa ka dhalatay hadal-hayn weyn, kadib markii Wasaaradda Beeraha Puntland ay cadeysay in aan lagu soo wargelin, islamarkaana aysan waxba kala socon iibka iyo habraaca loo maray labada cagaf-cagaf ee Wasaaradda Beeraha dowladda Federaalka ay sheegtay in loogu tala-galay beeralayda degmada Iskushuban.
Sarkaal ka tirsan wasaarada beeraha Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa waydiiyey wasiirka beeraha Soomaaliya "ma in 28 milyan dollar oo bangiga aduunka ku bixiyey in si degdeg ah loogu tageero beeralayda Soomaaliyeed ayaa goysay in 2 cagafcagaf Puntalnd la siiyo? "
Dhinaca kale wasaarada Beeraha Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay in Wasaaradda Beeraha dowlada Federaalka Soomaaliya aysan lasoo wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan lacagta lagu bixiyey mashruuca FSRP.
Mashruuca FSRP ayaa guud ahaantiisa waxaa uu diiradda saarayaa kordhinta wax-soo-saarka beeraha, hagaajinta maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, iyo xoojinta siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira nidaamyada cuntada.
"Waxaa muuqata in mashaariic kalamadax-banaan la isku dhex-karinayo, si shacabka loo marin-habaabiyo," ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda beeraha Puntland soo saartey taasoo sheegtay in Wasaaradda Beeraha ee dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku xad-gudubtay qodobka 53-aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo dhigaya in la tashi lagala sameeyo Puntland deeqaha iyo heshiisyada caalamiga ee lagu horumarinayo beeraha degaanadeeda.
Wasiir Maareeye ayaa soo hadal qaadey lacag $16 milyan oo qeyb ka ah lacag ka timid Bangiga Adduunka oo loogu talagalay in lagu fuliyo Mashruuca FSRP kaas oo soconaya muddo 5 Sano ah.
"Dowladda Federaalku waxa ay Puntland gooni u siisay $16 milyan iyadoo tixgelinaysa duruufaha siyaasadeed ee jira, una danaynaysa shacabka ay dawladda u tahay iyo beeraleyda danyarta ee degan Puntland. Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Xayir Maareeye isagoo u jawaabaya Wasiirka beeraha Puntland.
Mashruuca FSRP oo gaaraya lacag 150 milyan ah ayaa sida Garowe Online ogaatey loo qaybiyey sidatan: Wasaarada Beeraha dowlada Federaalka oo degaano ay ka fuliso jirin waxay isku qoondeysay 54 milyan dollar, Somaliland 18 million dollar halka maamulada ka tirsan dowlada Federaalka ( FMS ) loo qorsheeyey midkiiba 16 million dollar.
Mashruucyada Bangiga Adduunka oo guud ahaan lagu bixiyo magaca Ummada Soomaaliyeed ayaa ah mid bixintiisa ku xiran shuruudo adag oo ah in dowladda Federaalka gaarsiiyo dhamaan Maamullada loogu tala-galay, hadii ay taas dhicina suurtagal tahay ineysan hirgalin, waxaana lacagtu ku dhacdo bangiga dhexe Soomaliya , iyadoo la marsiiyo Wasaaradda maaliyadda dowlada federaalka Soomalaiya. Maareeye ayaan wax lug ah ku lahayn go'aankeeda.
GAROWE ONLINE