Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Image

BOOSAASO - Cabdifataax Cabdinuur, wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Puntland  ayaa sharaxaad ka bixiyay mowqifka Puntland ee ku aadan shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee 5ta bishan la sheegay inuu ka furmayo magaaladda Muqdisho, kaasoo wajahaya hubanti la'aan qabsoomidiisa.

Wareysi uu siiyay BBC Somali, ayuu Wasiirka ku cadeeyay in Puntland kaliya ka qeybgalayso shir, oo looga hadlayo arrimaha la isku hayo oo ugu horeeyo dastuurka oo ay u dhan yihiin dhamaan saamileyda siyaasadeed, inta talada dalka ka go'do.

"Kulan kaas ka duwan oo noo qorsheysan inaan ka qeybgalno ma jiro, Puntland waxay shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ka baxday December 2022, waxayna uga dhaqaaqday is-af-fahamwaa qaabka madaxda dowladda Federaalka u wajahayaan hanaanka dowlad-dhiska, marka hadii aan taasi is-faham laga yeelan, wax macno ah oo ay yeelanayso ma jirto inaan dib ugu laabano Madashii dhowr sano kahor ka dhaqaaqnay," ayuu yiri Cabdifataax Cabdinuur.

Wuxuu xusay in Shirka hadda u qorsheysan Villa Somalia inay qabato uu hareermarsan yahay midkii ay Beesha caalamka ku baaqday oo ahaa gogol loo dhan yahay, ooajandihiisu ahaa arrimo dastuurka la isku hayo, doorashooyinka iyo amniga qaranka. 

"Beesha Caalamka oo kaalin mug leh ka qaadanaysay hanaanka dowlad-dhiska dalka, waxay soo jeediyeen baaq ay u dhan yihiin oo ah inay dowladda Soomaaliya isagu keento dhamaan umadda Soomaaliyeed madal-wadatashi oo heer qaran ah, wadatashigaas, waxaan aqbalnay ajandiyaasha ay Beesha caalamka soo jeedisay oo ahaa in looga hadlo arinta dastuurka, ee la isku haystay, doorashooyinka dalka iyo arrimaha amniga quseeya," ayuu hadalkisia raaciyay Cabdifataax Cabdinuur.

Waxuu xusay in Puntland ay ka xuntahay inay Villa Somalia ka dhega-adaygtay baaqii Beesha caalamka iyo midkii Madaxweyne Deni ee qabashadda shir-weyne qaran, isagoo ugu baaqey Madaxda dowladda Federaalka ay aqbalaan soo jeedinta, islamarkaana ku dhiiradaan gogosha looga hadlayo ajandiyaasha muhiimka u ah dowlad-dhiska dalka, oo filayeen shacabka Soomaaliyeed.

Cabdifataax Cabdinuur ayaa tilmaamay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Wadatashiga Qaran hadii uusan uu lamid yahay midkii ay ka baxday dhowr sano kahor ee isagu imaanayeen Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulada, oo horey u noqday mid go'aanadiisa natiijo laga gaarin, oo kaliya waqti looga luminayo dalka.

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka, wuxuu wasiirka hoosta ka xariiqay in Puntland ay ka maqnaan doonto illaa laga qabanayo gogol loo loo mideysan oo ajandiyaashiisa la isku raacsan yahay.

Mar uu ja jawaabayay su'aal ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, ayaa Wasiir Cabdifataax Cabdinuur ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo ka baxsan dastuurka KMG ah ee la ansixiyay bishii August 2012-kii, oo ergo 820 qof ka kooban oo matalaysay shacabka ku ansixiyeen shirkii ka dhacay Iskuul Buluziya ee magaaladda Muqdisho.

"Wax kastoo ka duwan ama ka faracmay dastuurkaas, dowladda Puntland go'aan cad bay ka qaadatay inaysan aqbalayn, waxaa muhiim ah in laga baxo danaha siyaasadeed ee kooban, oo loo daneeyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada mudada dheer kusoo jiray, lana eego waxa isku hayn kara dalka iyo dadka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in ay aqbalaan baaqyada caalamiga ah iyo soo jeedinta Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan qabashada shir qaran oo daahfuran, si dalka looga gudbiyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, loona gaaro xal midnimo ku dhisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo shuruud ku xiray bixinta dhaqaalaha Howlgalka Soomaaliya

Senator Risch wuxuu eedeeyay Midowga Yurub oo doonaya in kharashka hawlgalka AUSSOM uu intiisa badan ka yimaado dhinaca Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 05:44AM

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM